Galmudug oo shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay culeys soo saareen deegaanadooda

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Al-Shabaab ay maalmihii u dambeeyay culeys soo saareen deegaanada Galmudug.

Cali Ciid ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka kala yimid deegaanada Jubbaland iyo Hirshabelle ay soo buux dhaafiyeen deegaanada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in howlgallo ay wadaan ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka, si looga hortago culeyska ay soo saareen deegaano ka tirsan maamulkaas.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ku soo aadaya, xilli maalin ka hor Al-Shababa weerar is qarxin ah ay ku dileen saraakiil ciidan oo ka tirsan Taliska Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad

Al-Shabaab ayaa weeraray ka fuliyay deegaano ka tirsan Galmudug, iyadoo u dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Bacaadweyn.