Galmudug oo shaacisay magacyada iyo sawirrada saraakiil Ahlu-Suna ah oo la baadi goobayo

May 18 (Jowhar.com)- Taliska ciidamadda booliska Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirrada 36 qof oo isugu jira hoggaanka iyo saraakiisha Ahlu-Suna, kuwaasoo loo heysto dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay Dhuusa-mareeb.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/SareĀ Ā Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi MaxamedĀ ayaa shacabka ugu baaqay in laamaha amniga ay ku soo war galiyaan hadii ay helaan xogta shaqsiyaadka la soo bandhigay ee doonayaan laamaha amniga.

ā€œWaxaa soo gabagaboobay howlgalka 1aad ee la dagaalanka urur diimeedka Sufo, waxaa billaabanaya wajiga 2aad ee howlgalka oo ah baacsiga & ciribtirka kooxda Sufo oo ku dhuumaaleysanaya Galmudug, waxaa intaas wehliya Dad maran habaabiyay Dadka oo Shacabka u dhiibay oo qalqalgeliyay Amniga si looga hortago waxyaabaha ay ku hayaan Bulshada, Shacabka Galmudug waxa aan ka codsaneynaa in ay nagu soo wargeliyaan meel weliba oo ay ku arkaan Dadkaas magacyadooda iyo sawirradooda lasoo gudbiyay ee 36da ahā€Ā  ayui yiri sarkaalkan.

Hadii Galmudug ay gacanta ku dhigto shaqsiyaadkan waxaa loo maxkamadeynayaa Dagaalkii Dhuusamareeb ka dhacayĀ 13kii May 2022Ā ee dhaliyay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxa ay ku eedeysan yihiin abaabulka dagaallo kale oo Galgaduud ka dhacay.

galmudug oo shaacisay magacyada iyo sawirrada saraakiil ahlu-suna ah oo la baadi goobayo galmudug oo shaacisay magacyada iyo sawirrada saraakiil ahlu-suna ah oo la baadi goobayo galmudug oo shaacisay magacyada iyo sawirrada saraakiil ahlu-suna ah oo la baadi goobayo galmudug oo shaacisay magacyada iyo sawirrada saraakiil ahlu-suna ah oo la baadi goobayo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More