Ganacsato Soomaali ah oo lagu diley dalka Koofur Afrika

South-Afrika-1

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu gaystay dalkaasi.

Kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa weerar ku qaaday goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray. Kooxaha weerarka geeysatay ayaa falka kadib goobta isga baxsaday.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankan dhaawac halis ah ugu gaystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika ayaa marwalba waxa ay la kulmaan falal tacadiyo ah iyagoo dil iyo dhaawac ay u geystaan daka ka soo jeeda dalka Koofur Afrika.