General Biixi oo xaqiijiyay in General Saadaq uu ka mid yahay ciidamada ka dagaalamaya Galmudug

Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya Jeneraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Saadaq John uu ka mid yahay ciidanka hadda ka dagaalamaya aagga Bacaadweyn ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wareysi uu siiyay Taliyaha ciidamada lugta laanta afka soomaaliga ah ee Bbcda ayuu ku sheegay in General Saadaq John uu kamid yahay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ka dagalaamaya Galmudug.

“Saadaq John saraakiisha aan hoggaaminayo ayuu kamid yahay, saddex madax oo aan u qeybinay ayuu qeyb jooga, saraakiishaas ayuuna kamid yahay. Ciidanka Federaalka kama tirsano, balse waa shakhsi dagaalka ku jira.” ayuu yiri taliye Biixi.

General Saadaq John ayaa 12-kii bishii April ee sanadkan laga qaaday xilka taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, kadib markii uu sheegay inuu joojiyay kulan uu Golaha Shacabka ee Barlamaanka uga doodi lahaa arrimaha doorashada. Waxaa laga xayuubiyay darajadiisa ciidan.

Waxa uu go’aankiisa ku sababeeyay in Golaha Shacabka uu halis gelinayo ammaanka dalka. Isla maalintaas, Golaha Shacabka ayaa u codeeyay in muddo laba sano ah xilka loogu daray hay’adaha dowladda.

Go’aanka Golaha Shacabka ayaa dhaliyay in iska horimaadyo hubaysan ay Muqdisho ku dhexmaraan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka oo kala taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda dowladda.

Saadaq John ayaa kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahaa dhinaca ciidanka taabacsan mucaaradka, waxaana uu saldhig ka sameystay xaafadda Shiirkole ee caasimadda.

Dhawaan ayuu gaaray magaalada Dhuusamareeb waxaana qorshuhu ahaa in uu ka qeybgalo dagaalka ka dhanka ah xooggaga Al-Shabaab ee ku sugan Galmudug.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bartiisa Facebook ku sheegay taliska ciidanka dowladda ee ku sugan aagga Bacaadweyn iyo Saadaq John ay heshiis ku yihiin la dagaallanka Al-Shabaab.