General Robert Kiboch;”Ciidamada Kenya kama baxayaan Soomaaliya”

849

Taliyaha ciidamada Kenya General Robert Kiboch ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan diyaar u ahayn inay ka baxaan dalka Soomaaliya, waxana walwal ka muujiyay dhacdooyinka Itoobiya.

Wareysi uu siiyay warbaahin ka mid ah dalka Kenya, Kibochi wuxuu ku sheegay in Soomaaliya aysan xasilooneyn oo ciidamadooda amnigu ay wali u baahan yihiin taageero howlgalka Afrika ee Soomaaliya.

“Weligeen ma joogi karno Soomaaliya. Si la mid ah sida ay ciidamada Maraykanka uga baxeen Afgaanistaan ​​ka dib dagaal dheer oo ay la gashay mintidiinta,ayaan uga bixi doonnaa marka ujeedkeena la gaaro , ”ayuu yiri Gen Kibochi.

Kibochi wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay durbaba saameyn weyn ku yeesheen Soomaaliya iyagoo furay 14 goobood oo waaweyn oo markii hore ay ka talinaysay Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Kenya ayaa xusay in hoos u dhac weyn uu ku yimid hub laga soo gelin jirey dalka Kenya wadanka Soomaaliya sanadihii 2011 ilaa 2012.

Gen Kibochi wuxuu sheegay in Kenya iyo dalal kale ay ku cadadinayaan Qaramada Midoobay in ay maalgaliso ciidamada nabad ilaalinta AMISOM,maadaama mid ka mid ah deeq-bixiyeyaasha waaweyn ee Midowga Yurub uu joojiyay taageerida howlgalka.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay gudaha dalka Soomaaliya Oktoobar 14, 2011, iyagoo ku guda jira howlgalka Linda Nchi si ay u baacsadaan Al Shabaab ee afduubka ka geystay gudaha Kenya.