Golaha Midowga Murashixiinta oo ugu baaqayMaamulka Somaliland inuu joojiyo musaafurinta dadka 

1,210

War Saxaafadeed ay soo saareen Golaha Midowga Murashixiinta ayaa waxa ay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin xadgudubka lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.
Qoraalkan ayaa fariin loogu diray Jamhuuriyadda la magic baxday Somaliland.

“Midowga musharaxiinta oo ka damqanaya ku xadgubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyey ayuu madaxda Somaliland ugu baaqayaa in ay falkaas ka fiirsadaan, degdegna u joojiyaan.”ayaa lagu yiri fariinta.

Baaqyada ku aadan in la joojiyo musaafurinta uu maamulka Somaliland ka musaafurinayo deegaano ka mid ah dhulka uu maamulo ayaa sii kordhaya.
Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta;

golaha midowga murashixiinta oo ugu baaqaymaamulka somaliland inuu joojiyo musaafurinta dadka