Golaha Shacabka oo Aqrinta 2-aad gelinayaa Qoondada Miisaaniyadda 2021

golaha-1

Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 28-ka December 2020 waxa uu aqrinta 2-aad gelinayaa qoondada Miisaaniyadda 2021, si inta uusan dhammaan sanadkaan 2020 loogu codeeyo.

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Miisaaniyadda ayaa maanta Golaha la wadaagaya aqrinta labaad, kadib waxaa la siinayaa Xildhibaannada Aqalka Shacabka si ay uga doodaan qodobada ku xusan.

Xildhibaannada ayaa loo qaybiyay Miisaaniyadda si ay usoo calaamadeystaan meelaha ay su’aalaha ka qabaan & aragti ahaan waxa lagu badali karo, maadaama soo jeedintoodu muhiim u tahay Qoondada.

Inta badan Xildhibaannada Golaha Shacabka & Guddoomiye Mursal waxa ay ku maqan yihiin Magaalada Garoowe ee Xarunta DG Puntland, waxa ay halkaas uga qaybgalayaan Shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Doorashada.

Kaldhiga 8-aad ee Golaha Shacabka BFS oo si toos ah u furmay iyada oo aysan fasax gelin Xildhibaannada waxa uu guddoonkoodu sheegay in howlaha u yaalla ay sii wadayaan ilaa inta laga soo dhammeystirayo Baarlamaanka Badalaya.