Golaha Wakiilada Puntland oo loo qeybiyay HIndise Sharciyeedka Diiwaangelinta Cod Bixiyaasha

Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ayaa loo gudbiyay Hindise-Xeereedka Diiwaangelinta Cod bixiyaasha oo qayb ah nidaamka Doorashada Xisbiyada ee maamulkaas la doonayo in lagu qabto doorashada soo socota.

Kulanka maanta oo ah fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 47-aad oo ku dhacay magaalada Garoowe ayaa hindisahan waxaa u gudbiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaana maanta loo qaybiyay Xildhibaannada si ay usoo aqriyaan una soo calaamadeeyaan qodobada iyo meelaha ay u arkaan in ay u baahan yihiin wax ka badal lagu sameeyo & soo jeedintooda waxa lagu badali karo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay garbo fadhiyeen labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo ah ku xigeenka 1-aad & Ismaaciil Maxamed Warsame oo ku xigeenka 2-aad ah ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in ay soo aqriyaan.

Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa fursad ahaan u heysta 3 maalmood, kadib waxa uu gelinayaa dood la xiriirta soo jeedinta qodobada, marka saddex jeer la geiyo aqrinta Kadib waa ay u codeynayaan si uu dib ugu laabto Madaxweyne Siciid Deni, haddii uu Golaha uu diidanaya dib u eegis lagu sameeyo meelaha sababta u ah dib u celinta.