Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ka shirey Fatahaadaha Shabelaha Dhexe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada dowlada oo todobaadkiiba mar lagu qabto Magaalada Jowhar.

Shirka golaha Wasiirada ayaa warbixino looga dhageystay wasaaradaha Beeraha, Caafimaadka, Biyaha, Haweenka, Ganacsiga, gargaarka , Qorsheynta iyo Waxbarashada.

Inta badan shirka golaha wasiirada ee maanta qabsoomay waxaa looga hadlayay saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen deegaanada hirshabeelle iyo sidii loogu gurman lahaa dadka aay barakiciyeen fatahaadaha.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray golaha wasiirada ineey labo jibaaraan howlaha gurmadka ee la garsiinayo dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga.