Golaha Wasiirada oo ansixiyey miisaaniyadda iyo magacaabidda Agaasimaha Nabad-sugidda

May 26 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2022-ka iyo Agaasimaha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, iyadoo Wasaaraddu ay soo jeedisay in xilka Agaasimaha Nabad-sugidda loo magacaabo Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ay meel mariyeen Golaha Xukuumaddu.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyey miisaaniyadda dowladda oo dhan ,($918.7M) taas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda warbixinaha ay soo gudbiyeen iyo shaqada ay qabteen, isagoo u rajeeyey Agaasimaha Cusub ee Nabad-sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad in Alle u fududeeyo shaqada loo igmaday.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More