Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyad muddo 3 bil ah

Mar 13 (Jowhar.com) – Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $ 206,474,223, taasoo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Miisaaniyadan uu ansixiyay golaha wasiirada ayaa ku soo beegmeysa xilli hay’ada lacagta adduunka IMF ay walwal ka muujisay in dhaqaalihii ay siin jirtey dowlada Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameyn lahaa bartamaha bisha May aysan suurtogal noqon doonin haddii dib u dhac uu ku yimaado doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Lacagaha ay hay’ada IMF ku deeqdo dalka Soomaaliya ayaa ah kuwa mushaarka ay u qaataan shaqaalaha dowlada iyo ciidamadaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More