Guddiga Doorashada Xildhibaannada Banaadiriga oo la magacaabay (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Banaadiriga.

Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood, waxaana ay qeyb ka noqonayaan Guddiyada doorashada ee dhowaanahan la magacaabayay.

Xildhibaannada beelaha Banaadiriga ayaa doorashada ka dhaceyso magaalada Muqdisho, sida lagu caddeeyay jadwalkii doorashada ee bil ka hor Xukuumadda soo saartay.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada Ra’iisul Wasaaraha.