Guddiga Doorashooyinka oo ku baaqay in la fuliyo heshiiskii Sep 2020

War Saxaafadeed uu soo saaray guddiga doorashooyinka heer federaal ee lagu muransan yahay ayaa ku baaqay in Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ay hirgeliyaan heshiisii la gaaray September 2020.

Qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu codsaday in la tixgeliyo qoondada haweenka ee ka mid noqoshada baarlamaanka 11aad.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka guddiga;

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu soo dhaweynayaa kulanka loo madlan yahay ee dhinacyada hoggaanka Golaha siyaasadda ay qorshaynayaan in ay deg deg u qabtaan, una xalliyaan tabashooyinka jira si dalka ay uga bilaabato doorasho loo dhan yahay oo caddaalad u dhacda, taas oo ah himilada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Guddigu wuxuu ka codsanayaa hoggaamiyayaasha Golaha siyaasadda in ay ku daraan arrimaha doorashada ee go’aammada ka gaarayaan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee ka mid noqoshada baarlamaanka 11aad ee 2021, qoondadaas oo ku cadayd heshiisyadii horey loo gaaray oo dhigaya in xubnaha baarlamaanka ay 30% noqdaan haween.

Guddigu, isagoo maanka ku haya caqabadaha kala duwan ee haweenka hortaagan, sida tan ka imaanaysa wax qaybsiga qabaa,ilka iyo duruufaha dhaqaale ee jira waxa aan usoo jeedinaynaa Golaha wadatashiga Qaran in khidmada lacagta laga dhimo 50% haweenka tartamaya.

Guddigu, isaga oo eegaya xaaladaha waddanku ku sugan yahay ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ku boorinayaa hoggaamiyayaasha siyaasadda in ay qaataan go’aammo lagu badbaadinayo dadka iyo dalka.

Ugu danbeyntii, guddigu wuxuu ugu baaqayaa markale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember 2020.

**DHAMMAAD**

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More