Guddiga Farsamada ee Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo gaaray Baydhabo

Guddiga Farsamada ee ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Guddigan oo ka arrinsanaya qodobada la isku mari la’aa ee sababta u noqday fashilka shirkii Dhuusamareeb 1-5 February ayaa waxa si rasmi ah kulamadooda ay u bilaabanayaan maalinta berri ah sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Koofurgalbeed.

Wararka waxa ay sheegayaan in guddigan ay maantaba bilaabeen kulamo hordhac ah iyadoo la sheegay in kulamadoo ay si dhow ula socon doonaan Beesha Caalamka oo ay damaanad qaad ka noqon doonaan wixii lagu heshiiyo.

Natiijada ka soo baxda kulanka guddigan farsamo ayaa lagu wadaa inay saxiixaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada.