Guddiga Hirgelinta Doorashada Koofurgalbeed oo shaaciyay qabashada 5 kursi oo Golaha Shacabka ah

Guddiga Hirgelinta Doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in dhawaan ay qaban doonaan doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Guddiga ayaa Shaaciyay in doorashada 5ta kursi ee tirsigoodu uu kala yahay184,85,156,176 iyo 45 ay dhici doonto 18/01/2022 oo ku beegan Talaadada soo socota.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa dhawaan la go’aamiyay in muddo 40 cisho gudahood ah lagu soo gabagabeeyo iyadoo cadaadis xoog leh uu saaran yahay dowlada federalka Soomaaliya sidii ay doorashada ugu soo gabagabeyn lahayd jadwalka lagu heshiiyay.

guddiga hirgelinta doorashada koofurgalbeed oo shaaciyay qabashada 5 kursi oo golaha shacabka ah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More