Guddiga Khilaafku ka taagan yahay oo booqday Dugsiga Tababarka Kaahiye

Xubno ka tirsan guddiga khilaafku ka taagan yahay ee Doorashooyinka, Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Banaadir iyo xubno ka tirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa maanta kormeeray Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye oo ah xarunta labaad ee la qorsheeyay in lagu qabto doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo Banaadir.

Xubnaha Guddiyada ayaa si gaar ah u kormeeray Hoolka Weyn ee dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye, iyaga oo qiimeyn ku sameeynayay xalada Amniga goobta iyo sida doorashada loogu qaban karo.

Xubnaha guddiyada ayaa sidoo kale kulan ku yeeshay gudaha dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye, iyaga oo kulankooda uga hadlay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka iyo muujinta inay u diyaarsan yihiin qabsoomida doorashada.

Hore ayay guddigan lagu muransan yahay ee doorashooyinka ay u booqdeen Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisdho, halkaas oo ah goobta 1aad ee loo asteeyay in lagu qabto doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo Banaadir.

Guddigan oo hore u soo saaray jadwalka doorashada ee Aqalka Sare ayaa dib u dhigey iyadoo aysan muuqan haatan diyaargarow weyn oo ah qabashada doorashada.