Guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada heer dowlad goboleed oo la xareeyay

Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed ee kala dhimanaa ayaa maanta la xareeyay, iyadoo la dejiyay Hotelka Peace ee ku yaalla garoonka diyaaradaha.

Guddiyada la xareeyay ayaa kala ahaa Guddigii doorashada dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.

Guddigii doorashada Galmudug ayaa ka mid noqon kuwa maanta la xareeyay waxaa la sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu dalbaday in dib loogu dhigo, waqti aan la cayimin

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa mabda’ ahaan ogolaaday inuu wax ka bedelo Guddiyada doorashada uu horay u soo magacaabay, waxaana uu muddooyinkan ku howlanaa dhex dhexaadinta iyo kulamada uu la lahaa Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta Mucaaradka.

Sidoo kale guddigii doorashada dowlad goboleedka Puntland iyo Jubbaland oo aanan markii hore la soo gudbin ayaa weli sidooda kor loogu hayaa.

Waxaa maanta la filayaa in guddiyadan tababar ku saabsan howlaha doorashada loo furo.