Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestey saxiixida Guddiga Garsoorka

xaashi

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka soo horjeestay hanaanka loo dhisay Golaha Addeega Garsoorka Soomaaliya oo ay hore u ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa lagu sheegay in lala socdo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray 7 xubnood oo lagu tilmaamay inay kamid yihiin 9 xubnood ee Golaha Addeega Garsoorka laguna soo daray guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Xeer ilaaliyaha guud tallaabadaasna ay tahay mid sharci darro ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare;