Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qorsheynaya inuu ka qeybgalo shirka Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlaaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in uu maalinta berri ah ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Cabdi Xaashi ayaa ku wargeliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuu maalinta berri imaan doonaan Dhuusamareeb isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana uu Madaxweyne Qoorqoor ku bogaadiyay Gogosha taalla Magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka.

“Arrimaha taagan ee loogaga hadlayo shirka waxaa ka mid ah khilaafaadka arrinta Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, taasi oo horay khilaaf uu kaga dhashay.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare.

Shirka wadatashiga ayaa la filayaa in berri uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana Galabta goor dambe Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maaxmed Cabdulaahi farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.