Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay inuu magacaabayo Guddiga Doorashooyinka

xaashi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ayaa lagu sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii sanadkii 2016 kii.

Qoraalkan ayaa lagu xusay in heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir aysan ka qeyb-gelin siyaasiyiinta matalaya gobolada Waqooyi, taas oo aheyd inay matalaad rasmi ah ku yeeshaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku tilmaamay qodobo ka mid ah heshiiskii doorashooyinka inay yihiin kuwo wax u dhimeysa hanaanka doorashada madax bannaan, isla markaana iyaga magacaabi doonaan Guddiga maamulaya doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.