Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo eedeeyay ciidanka Liyuu Boolis

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ku eedeeyay Ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya inay dhibaato ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Boolis ay afduubteen dad shacab ah inta u dhaxeeya deegaanada Xudeey iyo wagle oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in aysan indhaha ka qabsan doonin ciidanka Liyuu Boolis in maalin walba dadka inay xirtaan, gaar ahaan xuduudka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dad isugu jiro shacab iyo ciidan ayay si Afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeyso Xuday Weglle iyo dareerte sifo sharci daro ah ayayna ku heestan mana jirto ciid nagala hadashay arrintaas oo nagala xajootay waxaana ay arintaas dhalineeysa cawaqiib xuumo daran”ayuu yiri Guddoomiye Cali Jeyte.

Xuduudka Gobolka Hiiraan la wadaago Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada liyuu Boolis iyo dadka degaannadaas oo sheegay inay dhibaatooyin ku qabaan.