Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Garowe

Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Wafdiga uu horkacayo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.

Ujeedada uu u tegey magaalada Garowe Guddoomiye Mursal ayaa waxa ay qeyb ka tahay ka qeybgalka shirka Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kasii horreeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Midowga Musharixiinta, kuwaas oo ka qeybgalaya Shirka Garowe.