Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee Maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa soo dhoweeyay wafdiga Guddoomiye Maxamed Mursal, iyadoo loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed ee baydhabo

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb galaya munaasabada sanad guurada labaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Safarka Guddoomiye Mursal ku tagay Baydhabo iyo ka qeyb galkiisa munaasabadda sanad-guurada labaad ee doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo afjareysa khilaaf muddooyinkii u dambeeyay isaga iyo Lafta Gareen u dhaxeysay, taasoo ku qotontay doorashada kursiga Baarlamaanka iyo arrimo kale.