Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada oo xilka laga qaaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida Liibaan Aden Yarow, isagoo mid cusub magacaabay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Ciidamada Maxamuud Axmed ayaa horey u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cabdi Shirdoon Saacid, xiligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxkamada Ciidamada ayaa waxaa ay qaadaa dacwadaha ka dhanka ah Ururka Alshabaab iyo weliba ciidamada milatariga.