Guddoomiyaha Mursal oo ku celiyay in baarlamaanka uu sii shaqeynayo inta laga dooranayo baarlamaan cusub

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mar kale ku celiyay Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hadda hogaamiyo, isla markaana la dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka u socda Xildhibaanada Golaha, isla markaana ay kasoo qeyb gleen in ka badan 140 Xildhibaan, kuwaasi oo goorsii horeysay lagu wargeliyay kulankaas.

Golaha Shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay aan yeelan kulan, xili Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu sheegay in la dardar-gelinayo kulamada Golaha ay yeelanayaan.

Muddo xileedka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana horyaal Ajendayaal dhowr ah oo laga doonayo inay meel-mariyaan ah iyo Miisaaniyadda sannadka 2021-ka.