Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Xamar Jajab

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxmed Cumar-Filish ayaa magacaabay Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab kadib markii dhowaan la diley guddoomiyihii degmadaas.

Wareegto ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab loogu magacaabay Mucaawiye Axmed Muudey oo ka mid ah saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Gudoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Axmed ayaa dhawaan lagu dilay deegaanka Sarkuusta ee magaalada Muqdisho, kadib markii weerar gaadmo ah ku qaadeen kooxo mindiyo iyo baangado watay.