Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle oo loo doortay Mahad Xasan Cusmaan

wasiir-mahad-1024x576-1

Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxay ay u doorteen gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Xasan Cusmaan kadib markii uu ka guuleystey Marwo Canab Axmed Cismaan.

Mahad Xasan Cusmaan oo afar sano kahor ay ugaga guuleysatay Canab Axmed Cismaan kursiga guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Hirshabelle ayaa codad badan ugaga guuleystey.

Haweeneydii kaliya ee ku jirtey guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa weysay kursigeeda waxaana dhammaan guddoonka baarlamaanka Hirshabelle haatan ay noqdeen kuwo ku cusub guddoonka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Luqmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad Siraaji ayaa labaduba waxa ay yihiin kuwo ku cusub baarlamaanka Hirshabelle halka uu gudoomiye ku xigeenka labaad Mahad Xasan Cusmaan uu ka mid ahaa baarlamaankii hore waxana uu hore u soo noqday Wasiirka warfaafinta maamulkii uu Cali Cabdulahi Cosoble uu madaxweynaha ka ahaa.