Guddoomiyihii degmada Hodan oo lagu dilay Muqdisho

Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, kaddib rasaas Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay ku fureen gaarigiisa.

Dilkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, xilli uu Guddoomiyaha uu marayay agagaarka Jid Mareexaanka ee degmada Howlwadaag.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Guddoomiyaha oo shalay ku soo laabtay Muqdisho, kaddib howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga, kaddib dhaawac sanadkii hore ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa la sheegay inay xireen qaar ka mid ah Ciidamadii rasaaseeyay gaariga uu saarnaa.