Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab oo goordhow la dilay
Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Axmed Xayle ayaa goordhow lagu dilay xaafada Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilkiisa, iyadoo la sheegayo in rag hubeysan ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyaha.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in raga hubeysan ee dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.
Dilkan ayaa yimid, iyadoo xaalada Muqdisho ee caawa magaalada ay kacsaneyd, kaddib markii Taliyihii ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John uu dib ugu laabtay xaafada Shiirkole, halkaasoo dibad bax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo uu ka dhacay.