Gudoomiyaha golaha shacabka oo go’aan culus ka gaaray Sharciga Jinsiga.

Nov. 30 (Jowhar.com) -Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa balanqaaday in baarlamaanka aan la horkeeni doonin sharci kasoo horjeeda Diinta iyo dhaqanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka hor hadlayay kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee baarlamaanka ayaa si cad u tilmaamay ineysan qaban doonin wax diidaya Diinta Islaamka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaanada sharafta leh maanta labada Aqal waan fadhinaa midbaan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn,Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu markale yiri.

Aadan Madoobe oo caro laga dheehan karay hadalkiisa ayaa si cad u sheegay in Dastuurka dalka uu aasaas u yahay shareecada Islaamka, isagoo soo xiray dood maalmahan baraha bulshada ka taagneyd.

“Shareecadeena iyo Dastuurkeena waa Diinta Ilaahey marka shacabka Soomaaliyeed yaan shaki la galinin wax aan Diinteena waafaqsaneyn nagama imaan doonaan,” ayuu raaciyey.

Si kastaba, Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Sacdiya Yaasiin ayaa dhowaan mowjado dhaleecayn kala kulantay baraha bulshada kadib markii lagu eedeeyay  inay u qareemayso xeer gef ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed

Iyadoo Hadaladii laga diiwaan galiyay ay kamid eheyd in haddii aan la meel marinisharciga jinsiga ay Muqdisho isaga tagayso, lama oga waxa mowqifkeeda iska bedeli doona.Gudoomiyaha golaha shacabka oo go’aan culus ka gaaray Sharciga Jinsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More