Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay Axmed Madoobe

Jan. 28 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmad Xassan Cumar iyo masuuliyiin kale.

Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah taas oo maanta la dhagax dhigay.

Waxaa kaloo la isla soo qaaday sidii deegaanada Shabaab laga xoreenayo loo gaarsiin lahaa gurmad iyo gargaar raashin ah oo dhameystiran, si lamid ah sida gobolada kale ee dalka ay u gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

gudoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka oo la kulmay axmed madoobe
gudoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka oo la kulmay axmed madoobe
gudoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka oo la kulmay axmed madoobe

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More