Gudoonka labada aqal ee baarlamaanka oo iska wareystay furitaanka kalfadhiga 3aad
May. 24 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay wehliyaan labadiisa ku-xigeen.
Ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullahi Xirsi Timacade.
Kulanka guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
Waxa ay sidoo kale iska xog-wareysteen dardargelinta shaqada dib u eegista Dastuurka KMG ah ee JFS oo noqon doono shaqooyinka ugu muhiimsan ee Baarlamaanka 11-aad uu qaban doono.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday taageerada Ciidamada Qalabka-sida iyo dardargelinta la dagaallanka khawaarijta.