Hakad ku yimid diyaaradihii tegi jirey magaalada Beledweyne

beledweyne

Waxaa hakad galay diyaaradihii tegayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii ay fariisteen biyo badan oo ka dhashay roobab ka da’ay Magaalada.

Roobabka deyrta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka da’ayeen magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku nool magaalada Beledweyne ee doonaya in ay u dhoofaan magaalada Muqdisho ay gaadiid u raacayaan magaalada Guriceel si ay diyaarad uga raacaan.

Maalin walba ayaa waxaa caga dhigan jirey kana duuli jirey dhowr diyaaradood magaalada Beledweyne iyadoo xilliyada roobabkana uu hakad ku yimaado duulimaadyada garoonka.