Hardanka xilalka sare ee Hirshabelle (FALANQEYN)

calan-hirshabel

Waxaa maanta codsiyada Musharaxnimo ee Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle laga qabtay illaa 6 Musharax oo isugu jira 2 Musharax xilka Guddoomiyaha, labo Musharax Guddoomiye Kuxigeenka 1aad iyo labo Musharax Guddoomiye Kuxigeenka labaad.

Waxaa jira in hardan xoog leh ay ugu jiraan beelaha labada gobol dega xilalka sare ee dowlad goboleedka.

1- Abgaal iyo Xawaadle ayaa waxay ku tartamayaan jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ay isla rabaan.

2- Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan labo Musharax oo ka socota Beesha Gaaljecel

3- Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee waxaa u taagan 2 Musharax oo ka socota Beesha Gugundhabe.

4- Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa u taagan labo Musharax oo ka kala socota Beelaha Udeejeen iyo Reer Ow-Xasan.

Haddaba waxaa muuqaneysa in Maamulka Hirshabelle in markii labaad lagu dulmayo Beesha Jareer weyne oo ka mid beelaha ugu badan ee dega Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sidoo kale beesha Jareera weyne wax fiican kama helin awood qeybsiga heer Federaal, maadaama jagooyinka ugu badnaa uguna muhiimsanaa ee Beesha 5aad ay qaateen qabiilo kale. Tusaale ahaan Beesha reer Ow-Xasan.