Haween u shaqeynayay dowlada oo saaka lagu diley Muqdisho

bistoolad

Labo haween ah ayaa lagu diley mid kalana waa lagu dhaawacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, xilli ay saaka ku sii jeedeen xarun ka tirsan wasaaradaha dowlada oo ay ka shaqeynayeen.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa ka dambeeyay falkan dilka iyo dhaawaca ka dhashay iyagoo ka baxsaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in haweenkan la weeraray xilli ay doonayeen in mooto bajaaj u raacaan goob ay ka shaqeeyaan.

Labada haween ee la diley ayaa ahaa xaamilo waxaana la sheegay in carruur kale oo ay dhaleen ay saaka ugaga soo tageen guryahooda.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada maamulka degmada Dayniile ayaa markii dambe gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidamada ka qaadeen meydadka haweenka la dilay iyo dhaawacyada.

Falalka dilka iyo qaraxyada ayaa ku soo kordhaya magaalada Muqdisho iyadoo inta badan siyaasiyiinta dalkana ay ku mashquulsan yihiin ololaha doorashooyinka oo weli khilaaf uu ka taagan yahay.