Hoggaamiyaha xisbiga Sahan Guuleed oo walaac ka muujiyay guddiyada doorashada dalka

Xisbiga SAHAN ee uu hoggaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si gaar ah u soo saaray war saxaafadeed uga hadlayo Guddiyada doorasho ee dhowaan la magacaabay.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraalka ku xusay in xubnaha la magacaabay ay u muuqdaan inay yihiin kuwo aan dhexdhexaad ka noqon karin daadihinta doorashada iyo hufnaanteeda.

“Xisbiga Sahan wuxuu ka walaacsan yahay Guddiyadda doorasho ee la magacaabay, kuwaasoo ula muuqda kuwo aan dhex dhexaad ka noqon karin daadihinta doorashada iyo hufnaanteeda, waxay tani bannaanka soo dhigtay in Madaxweynaha talada haya u raadinayo doorasho aan sugneyn oo baalmarsan xeerarka dalka”.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka uu soo saaray xisbiga SAHAN;