Hormuud Salaam Foundation oo taaba-galisay tartanka quraanka kariimka

April 19 (Jowhar.com) -Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen Culumaau’diinka, Waalidiin, Macalimiinta Dugsiyada Quraanka, Jamciyada Quraanu Alkariim, iyo Maamulka Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho.

Tartankaan oo ahaa mid ay ku tartamayeen arday gaaraysa 200 ayaa waxaa lagu tartamayay 30-ka juz ee quraanka kariimka, waxaana sanadkaan taaba-galisay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation.
Cabduqaadir Yuusuf Maxamed oo galay kaalinta koowaad ee tartanka quraanka oo ku tartamayay 30-ka Jus ee quraanka kariimka waxaana ay ka koobnaayeen Gabdho iyo wiilal iyadoo la abaalmariyay ilaa 30 tartame ama kaalmood, waxaana 30 kaalin oo 15 kamid ah ay ahaayeen gabdho halka 15-ka kalna ay ahaayeen wiilal ayaa lagu abaalmariyay munaasabada gabagabada tartanka.

Sh Bashiir Axmed Salaad oo kahadlay munaasabada ayaa amaanay doorka hay’ada Hormuud Salaam Foundation ay ka qaadatay taaba galinta tartankan, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in tartamadaan oo kale la badiyo.

Xoghayaha Jimciyada Quraanu Alkariim Sh Cabdirashiid Aadan Isxaaq ayaa ka hadlay heerarka uu soo maray tartanka isaga oo xusay in tartankan ay ku tartameen dad ku dhow 200 oo Qof isaga oo u mahadceliyay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Candiraxmaan Ibrahim Cilmi Kobac oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad gaar ah u tahay ka qeyb qaadashada dhiira galinta Tartamada Quraanka Kariinka iyo taaba galintiisa mudadii uu soo socday.

Hooyada dhashy wiilla galay kaalinta 1-aad oo ku guulaystay gaariga ayaa sheegaty in ay aad ugu farxday guusha uu gaaray wiilkeeda iyadoo mahad gaar ah u geedisay Hey’ada Hormuud Salaam Foundation.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More