Howlgal culus oo ka socda Waqooyiga Gaalkacyo

Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa howlgal culus ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya laamaha kala amniga Puntland oo kaaashanaya kuwa Sirdoonka ee loo yaqaano PISA.

Laamaha amniga ayaa baaritaan ku sameynaya guryaha, sidoo kale waxaa la baarayaa gaadiidka yaryar iyo dadweynaha maraya waddooyinka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in howlgalkan uu yahay mid ka duwan howlgaladii hore, isla markaana ciidamada ka qeyb qaadanaya ay yihiin kuwo kala duwan.

Howlgalkan amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmo ka hor Koofurta Gaalkacyo uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.