Howlgal lagu diley dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab duleedka Balcad

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey ayaa sheegay in Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kaas oo dhowr jeer weeraro qaraxyo ah ka geystay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen in ay howlgalka ku dilaan madaxii qaraxyada Gobolka Shabeellaha dhexe u qaabilsanaa Al-Shabaab iyo mid kamid ah ilaaladiisa, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen laba kale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamada ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga wadada xiririisa Magaaloyinka Balcad iyo Jowhar oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa shalay lagu diley meel ku dhow tuulada Gololey kadib markii ay miino la qaraxday gaari uu watay.