Howlgalo ciidamada Gorgor ay ka sameeyeen gobolka Sh/hoose

Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal gaar ah ay ciidamada Gorgor ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada gaarka u tababaran ee Gorgor Cabdullaahi Mustaf Cali ayaa sheegay in howlgalka ay ugaga hortageen weeraro qorsheysan oo ay Alshabaab ku doonayeen inay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Howlgalka ayay Ciidamada ay ku guuleysteen inay kusoo saaraan afar miinoo oo lagu aasay meel u dhexeeysa degmada awdheegle iyo deegaanka bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen iney sii wadi doonan howlgalada lagula dagaalamayo AL-shabaab kuwaas oo ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen dagaalka ay kula jiraan AL-shabaab iyadoo ay dhawaan ahayd markii ciidamada xoogga dalka iyo AL-shabaab ku dagaalameen gobolka shabeelada dhexe dagaalkaas oo AL-shabaab looga dilay ku dhawaad 100 dagaalame oo ka tirsan AL-shabaab.