Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland oo gaartay Muqdisho

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka degtay diyaaradaha ee Aden Cadde magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha wafdigiisa ayaa la dejinayaa xayndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu soo gaaro magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo kulanka DFS,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la filayo in todobaadkan uu ka dhaco Muqdisho, iyadoo shirkaas ay fududeynayaan Safaaradda Mareykanka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay.

Shirka Madaxda ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo sanadkii 2017-kii lagu doortay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, iyadoona amniga shirka ay sugi doonaan Ciidanka AMISOM.