Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Deni, kuna hubeysan hub culus oo soo gaaray Muqdisho

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa saaka maanta soo gaaray Muqdisho, iyaga oo sugaya amniga Madaxweynaha.

Ilaaladan oo ku hubeysan hubka culus sida qoriga RBG, waxaana la dejiyay gudaha garoonka diyaaradaha.

Baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday sawirada ciidamada hubeysan ee Madaxweynaha Puntland amnigiisa sugaya, waxaana tani ay muunineysa heerka ay gaartay kalsooni darada siyaasadeed iyo tan amni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ka soo kicitamaya magaalada Boosaaso oo uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa, waxaana uu galabta ka soo degayaa garoonk diyaaradaha Aadan Cadde.