Imaaraadka Carabta oo siinaya Dhalasho dadka Ajnabiga ah

Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu siinayo dhalasho dadka aan u dhalan wadankaas balse lama xaqiijin in dadkaasi ay heli doonaan daryeelka ay helaan dadka u dhashay dalka ku yaal khaliijka.

Amiirka Dubai ahna Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheekh Mohammed bin Rashed Al Maktoum ayaa sheegay in dadka ajaaniibta ah ee ku nool UAE ee leh xirfadaha sida dhakhaatirta, saynisyahanada, Muhandisiinta iyo xirfadleyda kaleba ay ka faa’ideysan karaan fursadan.

“Golaha Wasiirada iyo maxkamadaha Imaaradka ayaa magacaabi doona dadka la siinayo dhalashada dalka iyadoo lagu xuli doono qaab la isla og yahay.”ayuu yiri Amiirka.

“Sharcigan waxa uu u oggolaanayaa dadka qaadanaya inay haysan karaan dhalashada wadamadooda asalka ah.”ayuu sii raaciyay.

Muwaadiniinta u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka badan dadka ajaaniibta ah ee wadankaas ku shaqo tegey iyadoo badankood ay yihiin dadkaasi kuwo ka tagay Koofurta Asia.