Inkabadan labo boqol oo ruux oo laga helay cudurka Covid 19 magaalada Muqdisho

Tiradii ugu badneyd kadib labakaclayntii cudurka Covid 19 ayaa laga sheegay magaalada Muqdisho,iyadoo wasaarada caafimaadka ay shaacisay in 48kii saac ee ugu dambeysay laga helay illaa 257 ruux.

Warbixintii ugu dambeysay ayaa sidoo kale lagu sheegay in 15 ruux ay u geeriyoodeen cudurkan halka tirada la baarey ay gaareyso 1,338.

Tirada laga helay cudurka Covid 19 ayaa 257 ka mid ah ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho halka 1 ruuxna uu joogo Galmudug, 1 ruux kalana Hirshabelle.

Guud ahaan tirada guud ee dadka u soo ritey cudurka Covid 19 ayaa waxa ay gaartay 5,889 ruux halka dhimashadana ay gaareyso 194.