Inku dhow Boqol dhalinyaro ah oo saaka dalka dib loogu soo celiyay

0

Inkabadan boqol dhalinyaro ah oo doonayay inay u tahriibaan wadamada Yurub kuna xayirnaa muddo dalka Libya ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Siciid iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaarada Arrimaha dibadda ayaa ku soo dhaweeyay dhalinyaradan dalkooda hooyo.

Dhalinyarada maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa diyaarad gaar ah looga soo qaaday dalka libiy,iyadoo qaar kamid ahna ay xanuunsan yihiin kadib markii xabsi muddo dheer ah ay ku jireen gudaha dalka Liibya.

Dalka Libya ayaa waxaa weli ku sugan kumanaan dhalinyaro Soomaali ah kuwaasoo doonayay inay ka gudbaan badda si ay u gaaraan wadamada Yurub.

inku dhow boqol dhalinyaro ah oo saaka dalka dib loogu soo celiyay