Iskahorimaad xoog leh oo ka socda deegaano ka tirsan Galmudug

Wararka ka imanaya dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka socdo deegaanada Sino-dhaqo iyo Labidulle iyadoo dagaalkaas uu u dhexeeyo ciidamada Dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu yahay mid xooggan isla markaana labada dhinac ay adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaaraha ka dhacay dagaalkan balse waxaa uu yahay mid dabajooga howlgalo toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada dowlada ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay isku fidinayeen deegaano badan oo ka tirsan dowlada goboleedka Galmudug.