Jaamacadda Muqdisho oo heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar

April 19 (Jowhar.com) -Jaamacadda Muqdisho ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar si sare loogu qaado iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Ujeedada heshiiska ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga cilmi-baarista, isdhaafsiga khibradaha iyo dhammaan dhinacyada cilmiga oo labada dhinac ay daneynayaan.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Qatar ee magaalada Dooxa ayaa waxaa dhinaca jaamacadda Muqdisho u saxiixay guddoomiyaha golaha sare Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi (Badiyow) halka dhinaca Jaamacadda Qatar uu u saxiixay guddoomiyaha Jamaacadda Dr, Hassan Al-daraham. Waxaa sidoo kale heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay guddoomiyhii hore ee jaamacadda Muqdisho ahna xubin ka tirsan golaha sare ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cali sheekh Axmed Abuubakar.

Sida ay qortay wakaalada wararka dalka qatar waxaa labada dhinac iska kaashan doonaan cilmibaarista, isdhaafsiga khubarada, ardayda iyo in si wadajir ah in labada jaamacadood u qabtaan shirar, doodo cilmiyeed iyo tababaro.

Jaamacadda Muqdisho oo ah jamacaddii ugu horeysay oo la dhisay burburkii kadib waxa ay ka mid tahay jaamacadaha dhifka ah ee kudaala tayada waxbarashada, waxa ayna heshiisyo iskaashi la leedahay jaamacado caalami ah iyo hey’ado waaweyn oo ka shaqeeya waxbarashada iyo cilmi baarista.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More