Jaamacadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Cilmi Baaris ku saabsan Ganacsiga iyo Arrimaha Bulshada

Xafiiska Cilmi baarista iyo hormarinta ee Jaamacadda Soomaliya ayaa soo qaban qaabiyey bandhig cilmiyeed kii labaad kaas oo looga hadlayayey arrimaha ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Bandhiggan ayaa waxaa kasoo qeyb galay shirkadaha gaar loo leeyahay ee dalka, madaxda dowlada iyo aqoonyahano Soomaliyeed.

Inta uu socday bandhig cilmiyeed ka ( Conference), waxaa lasoo jeediyey cilmi baaris taabanaysa arrimaha ama caqabadaha hareeyay shirkadaha ganacsiga iyo bulshada Soomaliyeed.

Dr. Ahmed khadar oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka cilmi baarista iyo hormarinta ayaa la wadaagay kas oo qeyb galayaasha ahimiyadda shirka iyo baahida loo qabo kulamada noocaan oo kale ah.

Qaar ka mid ah mas’uulyiintii ka qeybgashay kulankan ayaa waxa ay u mahadceliyeen khubaradii ka soo shaqeysay cilmi baaristan waxana ay ay ugu baaqeen inay sii joogteeyaan cilmi baarisyada noocan oo kale oo wax ka taray horumarinta ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale ganacsatadii ka qeybgashay kulankan ayaa waxa ay sheegeen inay ka faa’ideysteen cilmi baaristan aqoon badan oo la xiriirta horumarinta ganacsiga.