Jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad Hirshabelle oo la shaaciyay

calan-hirshabel

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in la qaban doono doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenada 4ta bishan November 2020.

Jadwalkan ayaa ah mid lagu soo koobay mudada ay xildhibaanada dooranayaan guddoonka baarlamaanka muddo saddex cisho ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraal ay soo saareen guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabelle;