James Swan oo soo dhoweeyay magacaabista guddiga farsamo ee Jubbaland iyo Puntland

swan

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa soo dhoweeyay Magacaabista Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

James Swan oo ka hadlayay maanta shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle isago iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe ayuu ku sheegay in uu soo dhoweynayo magacaabista guddigan.

“Waan soo dhoweynayaa magacaabista guddiga aan saaka maqalnay inay ku dhowaaqeen madaxda Jubbaland iyo PUntland.”ayuu yiri James Swan.

Hase yeeshee waxaa uu sheegay in mowqifkooda rasmiga ah ay wada tashi ka yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay kulanka ay lagu baqaay in uu ka dhaco Muqdisho kaasoo u dhexeeya madaxda dowlada federalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Inkastoo uu James Swan soo dhoweeyay guddigan farsamo ayaa hase ahaatee dowlada federalka waxa ay ku tilmaantay inuu yahay mid baalmarsan wadadii rasmiga ahayd maadaama aan si rasmi ah loogu soo gudbin liiska guddigan.